Luuqadda Iswiidhishku ma dhiman doontaa mustaqbalka?. Foto: Carol Atallah/Sveriges Radio.

Sweden waxa lagaga hadlaa 100 af

Luuqadda Iswiidhishku ma dhiman doontaa mustaqbalka?.
8:11 min

Imisa luuqadood baa lagaga hadlaa Sweden? Maaha suaal si dhib yar jawaabteeda heli karo, laakiinse sida ay cilmi baadhayaashu xaqiijiyeen, waxa jira Sweden ka jira in ka badan 100 af. Aristide oo afkiis hooyo aanu ahayn Iswiidhish ayaa aaminsan in ay afafka badani faaiido u yihiin dalka Sweden.

- Waxa ay ila tahay wax wanaagsan. Waxa aan qabaa in ay faaiido weyn u leedahay bulshada. Markii la helo kala duwanaansho ayuun baa halabuur cusub la heli karaa. Waa wax wanaagsan in qofku xuduudka  dhan kale uga gudbo si wuu wax u korodhsado.

Ma jiro tirakoob rasmi ah oo laga sameeyay inta luuqadood ee Sweden lagaga hadlo. Sidoo kale diiwaanka u qoran muwaadiniinta Sweden ma muujinayo macluumaadka isirka qofka,  oo  waxa kaliya ee uu sheegayaa waa uun dalka uu qofku ku dhashay.

Waxa jira qiyaaso ay isku raacsan yihiin cilmibaadhayaasha Sweden kuwaasi oo muujinaya inta af ee waddanka lagaga hadlo. Mikael Parkvall waa af aqoon wax ka dhiga jaamacadda Stockholm. Isaga oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi.

- Wa adag tahay in la sheego inta af ee ka jirta Sweden, maxaa yeelay waxaa jira karta luuqad uu qof kali ahi ku halo. Laakiinse qiyaastii waa boqol iyo wax la jira. Waxaan ku qiyaasayaa in afafka Sweden ka jiraa boqol gaadhayaan.

Sida ay sheegtay xarunta afafka ee magaalada Stockholm, waxa jira 132 wakiillo ka kala socdo afaf kale duwan oo bara ilmo walba afkiisa hooyo. Waxaana jira 34 000 oo arday oo la baro afafkooda hooyo oo aan ahayn af Iswiidhish.

Maaddaama oo ay luuqado badan oo ajaanib ahi Sweden ku soo badanayaan saamayn ma ku yeelan doonaan afka Iswiidhishka? Suaashaa waxa ka jawaabaya Mikael Parkvall waa af aqoon wax ka dhiga jaamacadda Stockholm.

- Maya wax badan saamayn ku yeelan maayaan.  Waxa laga yaabaa in dhawr erey ku biiraan afka Iswiidhishka, laakiinse wax saamayn ah u yeelan maayaan asal ahaan afka Iswiidhishka. Inta badan waxa aan tusaale u soo qaataa Maraykanka oo boqol sanno ka hor ay u haajireen dadyow badan oo reer Yurub ahi. Dawyawgii faraha badnaa waxba kamay badalin luuqadii ingiriisiga ahayd ee Maraykan lagaga hadlayay, walow badi dadka Maraykan u haajiray aanay luuqaddoodu ahayn ingiriisi haddana laakiinse hadda waxa ay ku hadlaan ingiriisi oo waa ay ka tageen afkoodii hore.

Kaasi waxa uu ahaa  Mikael Parkvall waa af aqoon wax ka dhiga jaamacadda Stockholm.

Inkasta aannu af iswiidhishku aanu asal ahaan salguurin haddana wakhtiyo badan oo kala duwanaa waxa uu ereyo badan ka soo ergisanayay afaf kale. Waanay kala duwanaayeen hadba luuqadda ay saamaynta isku yeelanayeen. Intii lagu jiray qarnigii 17aa waxa uu Afka Iswiidhishka ahi ereyo badan ka soo deynsaday afka Faransiiska. Tusaale ahaan waagaas waxa uu af Iswiidhishku ka soo deynsaday afka Faransiiska ereyada fåtölj iyo  glass oo ah kuraasida lagu fadhiisto iyo iskiriinka la cuno. Qarnigii 14 ilaa kii 15 Afka Jarmalka ayuu  ereyo badan  ka soo ergistay af Iswiidhishku. Sidoo kale wakhti aad u fog ayay afafka reer Yurub ereyo badan ka soo qaateen afafka Carabiga iyo Beershiska. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ereyadii Carabiga iyo Beershiska laga soo qaatay, socker, oo ah sonkorta,  spenat oo ah caleenta isbinaajka loo yaqaano iyo giraff ah xayawaanka halgeriga loo yaqaano. Ereyadaasi ayaa hadda  mararka qaarkood ay adag tahay in laysku raaco in  ay ka yimaaddeen afka Carabiga.

Laakiin maanta luuqadda Ingiriisiga ayaa ah luuqad saamayn weyn ku leh afafka dunida. Walow afafka Carabiga, Beershiska iyo Turkigu yihiin luuqado iyaba socdaala haddana ereyo badan lagama deynsado sida ereyo  badan looga ergisto af Ingiriisiga. Inkasta oo ay meesha soo gali karaan mararka waxyaabo gaar ah laga hadlayo.

Maria Bylin oo ka tirsan golaha xannaanaynta afka Iswiidhishka oo arrintaasi ka hadlaysaana waxa ay tidhi:

- Haddaad u fiirsato ereyada ku soo biiraya qaamuuska afka Iswiidhishka, waxa ay u badan yihiin ereyada inta badan saxaafadda iyo wararka laga sheego. Tusaale ahaan sida ereyada Sunni iyo Shai, kuwaasi oo innoo yimid uun tobanaan sanno ka hor. Ereyga Jihad baa isna innagu cusub, kaasi oo ay adag tahay sida loo waafajinayo naxwaha afkeenna, haddii la odhanayo en jihad iyo haddii la odhanayo ett jihad. Sidoo kale waxa jira ereyo badan oo afka  dhallinyarada ka yimaadda. Tusaale ahaan ereyga Xabiibi oo asalkiisu yahay Carabi iyo ereyga guss oo aan u malaynayo in uu af Turki yahay.

Maria Bylin waxa ay sheegtay in si ereygu si rasmi ah ugu biiro afka Iswiidhishka loo baahan yahay in uu buuxiyo shuruudo dhawr ah, iyadoo taasi sharaxaysana waxa ay tidhi:

- Waxa ay ku xidhan tahay hadba habka ereyga loo dhigayo. Tusaale ahaan ereyga jihad waa in qofku goaansado habka uu u dhigayo haddii uu noqonayo en jihad ama haddii uu noqonayo ett jihad. Waa in lays waydiiyaa sida uu isu beddelayo marka uu jamaca noqdo. Inta badan way adag tahay runtii. Ereyga Avokado ayaa isna ka mid ah ereyada aan wali saldhigin ee ay dadku kari waayaan. Waxa laga yaabaa in ay mararka qaar uu micno kale sameeyo ereyga cusubi, waxayse ku xidhan tahay habka uu qofku u isticmaalo hadba ereyga cusub.

Luuqadda Iswiidhishku waa luuqad yar marka loo eego afafka adduunka ka jira. Waxa ku hadla qiyaastii 10 milyan oo ruux. Marka laga hadlayo 100 luuqadood ee adduunka ugu weyn, afka Iswiidhishku waxa uu soo galayaa kaalin 90 aad.

Suaashu waxa weeye ma jirtaa khatar laga yaabo in afkani uu dhinta mustaqbalka dhaw, maaddaama oo dalka maanta lagaga hadlo luuqado kale oo badan.  Mikael Parkvall, ayaa sheegay in saaxiibadii aaminsan yihiin in ay afka Iswiidhishku meesha ka bixi doono, waxaa se uu ku adkaystay in aanu isagu sidaa la qabin oo uu arko fursad weyn oo ah in afku sii jiri karo. Isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

- Sida kaliya ee afka Iswiidhisku ku dhiman karaa waa iyada oo mustaqbalka ay dadka Iswiidhishka ahi ubadkooda  bari waayaan afkooda hooyo, taas beddelkeedana ay ka doobidaan in ay ubadkooda kula hadlaan af kale. Sidaasi weeye jidka kaliya uu afku ku dhintaa. Tusaale ahaan waa qariib in la arko dadka Iswiidhishka ah oo ubadkooda ku daraya iskuullo af ingiriisi ay ku baxdo tacliintu. Haddii ay sidaa ku socoto afku wuu sii jiri doonaa oo dhiman maayo, haddii se uu soo baxo jiil Iswiidhish ah oo ka faana afkooda ubadkoodana kula hadla afaf kale markaas weeye marka ay suuragal tahay in afka Iswiidhishku dhinto ama uu meesha ka baxo. Hadda iima muuqato cabsi ah in afafka ajaanibka ahi meesha ka saarayaan afka Iswiidhka.

Mikael Parkvall waa af aqoon wax ka dhiga jaamacadda Stockholm.

 Musa Isse

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".