Gullmar Svensson waxuu lixdameeyadii ka tirsanaan ciidaanka Sweden ee hoostagayey QM ee loo direy Kongo. Foto: SVT, G.Svensson.

Askartii Sweden ee Kongo ka howlgali jirtay oo 50 sanno ka bacdii afkat furtay

"Ma aanaan la dagaalameynin afrikaan cago cad"
6:57 min

Tododbaadkan siyabo kale gedisan ayaa loo xusey sannad guuradii kontanaad ee ka soo gareegtey markii la soo gabangabeeyey howl-galkii Qramada midoobey ee Kongo. Telefishinka SVT ayaa todobaadkan sii daayey filmdokumentiri ah oo arrinka ku sabsan.  6 000 oo ciidamo Isiiwdhish ah ayaa ka qayb qaatay howlgalkan nabad illaalinta ah ee Qaramada Midowdey horumoodka ka aheyd sannadyadii 1961-1964, iyada oo aan ciidankan Sweden si wanaagsan loogu diyaarin howlgalkan. Markii ugu horeysey ayey qaar ka mid ah askartii ka qayb qaadatay howgalkan ka hadleen waayo aragnimadoodii ay kalo kulmeen holwgalkii Kongo:

- Waxaan qabaa saxiib aan ka wado shaqeyneynay ururka shaqaalaha, oo aan ka wado tirsaneyn ciidankii Kongo loo direy, illaa iyo hadda laguma soo qaadi karo Kongo, waayo waxaan kalo kulannay waxyaabo aanaan filaneyn. Ma aheyn meel aan kalo kulannay dubaal iyo jiif. Wax aheyd meel aysan waxbo oolin lamo filaan ayey nagu aheyd ayuu yeri.

 Karl-Olof  Fransson iyo Gullmar Svensson waxay ahaayeen 20 jiro markey lixdameeyadii ku biireen ciidamadii loo direy Kongo, waddankan oo ah waddan baaxad weyn oo khayraad dabiiciya badan oo  lasyku dagaalayaey ka dib markii gumeystahii Belgimka waddankas iskaga baxay. Dagaalada sokeeyey ee Kongo ka socdey ayaa looga cabsi qabay in ay qatar geliyaan nabadda caalamka.

Karl-Olof Fransson, maanta waxuu guddoomiye u yahay urur ay leeyahiin ciidankii reer Sweden e exilligas ka qayb-galay nabad illaalinta Kongo oo ay Qaramada Midoobey horumood u aheyd. Waxuu sheegay in waagas ciidamadda howlgalkan loo qaadanyey ay ahaayeen ciidamada heystaa shahaadooyinka ugu sareeya ee dhanka militeriga. Tababarka u diyaar gorowga howlgankan waxay ku qaateen xero ku taalay magaalada Strängnäs, waxuuna soconayey muddo asbuuc iyo bar ah- balse ogaalkooda waxa sugaya ayaa iska yaraa- in masuul ka noqonayaan xiro qaxooti oo baaxad weyn  kuna jireen qaxooti kor u dhaafayey 50 000 iyo in ay si joogto u wajahi doonaan weeraro ayna ku qasbanaan doonaan  in ka jawaab celiyaan:

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".