Iswiidhishka safarrada aad u isticmaala moobilkaFoto: Mikael Andersson/Sveriges Radio.

Iswiidhishka safarrada aad u isticmaala moobilka

Saddexdii qofba mid ka mid ah dadka Iswiidhishka ah ee safarada gala ayaa sheegay in aanay moobiil la aan safri karin.

Waxa ay sheegeen in telefoonka gacantu uga qaalisan yahay alaabaha kale ee ay qaataan. Sidaasi waxa soo bandhigtay daraasad cusub oo ay waddamo badan ka sameeyeen laba wakaaladood oo kuwa safarada qaabilsan ah.

Kala badh dadka Iswiidhishka ahi waxa ay isticmaalaan moobillada si ay ehelkooda iyo asxaabtooda ula xidhiidhaan inta ay safarka ku jiraan. 36% ayaa moobilka u qaata sidii ay fikrado u urursan lahaayeen ama loogu hagi lahaa inta ay safarka ku jiraan. Afartii qofba hal qof ayaa sheegay in moobilku wax badan u fududeeyo ayna raaxo dareemaan marka ay moobilka isticmaalayaan.

Xigasho: TT

Musa Isse

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".