Moderaterna kommenterar regeringens budget Foto: SVT/BILD

Laanta Moderatka ee Halland oo rabta in la bedelo guddida fulinta ee Xisbiga

Laanta xisbiga Moderat-ka ee gobolka Halland ayaa raba in la bedelo dhamaan xubnaha guddida fulinta ee xisbiga Moderatka. Waxayna soo jeedinayaa in dhamaan xubnaha guddida fulintu si ay hibeeyaan boosaskooda

Waxaa soo shaac baxaya khilaaf ba’an oo u dhaxeeya xisbiga Moderat-ka. Xisbiga ayaan ilaa hadda ku guusan in ay iska dhex doortaan hogaamiye cusub ka dib Reinfeldt. Balse Anna Kinberg Batra oo iyadu ah musharaxa qudha ee ilaa hadda u taagan jagadan, ayaa qayb ka mid ah oo xisbigu waxay qabaan in la balaadhiyo tartarnka oo la helo musharixiin badan. Imika ayaa laanta xisbiga ee gobolka Halland ay rabaan in bisha maarso ee sannadka soo socda dib loo doorto dhamaan guddida fulinta ee xisbiga.

 samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".