Sms som nätpedofilen skickat till offrets närstående Foto: Polisens förundersökning

Nin loo haysto caruur uu faro xumeeyay

Nin dhalinyaro ah ayaa maanta lagu soo oogay dacwad la xidhiidha dembi galmo oo ka dhan caruur uu kula kulmay internetka. Umuurtan ayaa la xidhiidha nin dhalinyaro ah oo 24 jir oo ku nool magaalada Stockholm

Ninkan ayaa loo haysta dembi ka dhan ah 59 hablood oo da’doodu u dhaxayso 12 jir ilaa 17 jir. Dacwadan ayaa la xidhiidha isticmaal ba’aan oo caruurta ah, middaas oo caruurtu ninkan ay u direen sawiro galmo. Sidoo kale ninkan ayaa loo haysta kufsi maddaama oo uu la kulmay caruurta qaar ka mid ah. 

Isha:TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".