Foto: Robert Vos/AFP.

Xukun maxkamadeed la xidhiidha xashiishad

Maanta ayaa maxkamadi xukun ku ridaysaa toddoba nin oo lagu soo oogay dacwad ka dhan in ay ku lug lahaayeen mukhaadaraadka ugu weynaa abid Sweden ee gacanta lagu dhigay. Booliska ayaa falkan fuliyay gugii hore. 

Raggan ayaa siday 38 kiilo oo xashiishada nooca loo yaqaan kokain oo ay ku wadeen magaalada Stockholm, kana soo qaadeen gobolka Skåne. Mukhaadaradkan ayaa boolisku qiimihiisa ku qiyaasay 40 milyan oo Koroon. 

Toddobadan nin ayaa lix ka mid ah lagu xukumay 10 sanno xadhig ah, halka midka toddobaadna lagu xukumay 8 sanno oo xadhig ah. 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".