Foto: Janerik Henriksson/TT samt Stefan Jerrevång/TT.

MUF:Anna Batra ayaanu u caleemo saarnay hogaamiyaha cusub

Garabka dhalinyarada ee xibsiga Moderat-ka MUF ayaa Anna Kinberg Batra u caleemo saaray in ay noqoto hogaamiyaha cusub ee uu yeelanayo xisbiga Moderat-ka.

Garabka dhalinyarada ee Moderat-ka ayaa sidoo kale dhayda ka cadeeyay in xubnaha guddida fulinta ee aan rabin in ay xubno ka sii ahaadan guddida doorashada soo socota ka dib in ay kuraasta baneeyaan. Sidaa waxaa leh Erik Bengtzbo oo ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga M.

-Waxaanu calmanay Anna Kinberg Batra in ay noqoto hogaamiyaha cusub ee xisbiga. Waayo waxaanu aqoonsanay in ay tahay qofka ugu wanaagsan ee jagadan qaban kara marka la eego xaga shaqada iyo daacadnimada iyo sidoo kale in ay horumarin karto xisbiga Moderat-ka. Ayuu leeyahay Erik Bengtzbo

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".