Caawitaanka ardayda laga caawiyo casharadooda oo la joojin doonoBertil Ericson / TT

Caawitaanka ardayda laga caawiyo casharadooda oo la joojin doono

Dawladda cusub oo meesha ka saari doonta shirkadaha ardayda sida gaarka ah uga caawiya casharadooda. Hannaankan ayaa ah mid ay waalidiintu macallimiin gaar ah u qabtaan carruurtooda si carruurta looga caawiyo casharadooda. Waalidka ayaa kharashka kaga baxa hawshan  kala badhkii dib ula soo noqda marka la gaadho cashuur-sannadeedka.

Shirkadahan intooda badan ayaa walaac ka muujiyay arrintan, waxaanay u arkaan in go'aankan cusubi saamayn xun ku yeelan doono shaqadooda. Baadhitaan ay idaacadda Ekot ku samaysay 15 shirkadood oo ka shaqeeya sida  ardayda looga caawiyo duruustooda ayaa muujinaya in dhawr shirkadood meesha  ka bixi doonaan. Dawladda ayaa qorshaynaysa in go'aankan cusubi hirgalo sannadka cusub, mase cadda baarlamaanku sida uu u dhaqangalin doono.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".