Hab oo lagu yaraynayo tirada dhimashada cudurka kansarka. Foto: Jim Cole/AP/TT

Hab oo lagu yaraynayo tirada dhimashada cudurka kansarka

Dhakhaatiirta ayaa soo bandhigay in baadhitaan lagu sameeyo dadka sigaarka cabba si loo yareeyo tirada dhimashada dadka cudurka kansarka sanbabada  u dhinta.

Daraasaddan cusub ayaa sheegaysa in haddii baadhitaankaasi la sameeyo la badbaadin karo 500 qof oo sannad kasta u dhinta cabbista sigaarka. Sidaasi waxa sheegay wakiillo ka socday dhakhaatiirta kansarka iyo dad uu xannuunkani ku dhacay. Dhakhtar Roger Henriksson oo ah guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta ku takhasusay cudurka kansarka ayaa sheegay in cudurka kansarku yahay cudur aan loo hayn daawo fiican. Waxaanu sheegay in baadhitaan xilli hore la sameeyaa  suurogalin karo in xilli hore la ogaado nabarka keena cudurka si markaba loo daweeyo qofka uu cudurkani ku dhaco.

Maalin kasta waxa cudurka kansarka sanbabada  u dhinta toban qof oo Iswiidhish ah. Habkan dadka lagu baadhayo si loo ogaado in uu cudurkani hayo iyo in kale ayaa waxa laga bilaabay waddanka Maraykanka, waxaana ilaa hadda muuqata in hoos loo dhigay tiradii dadka u dhiman jiray cudurkan oo waxa la sheegay in 20% ay yaraadaan dadkii u dhiman jiray cudurka kansarka. Dhakhtar Roger Henriksson oo ii weheliyo dhakhtar kale iyo urur ay ku midoobeen dadka cudurkan qaba ayaa maamulada degmooyinka u soo jeediyay in ay dhaqangaliyaan habkan cusub ee lagu xakamaynayo cudurka kansarka ku dhaca sanbabada.  Dhakhtar Roger Henriksson ayaa sidoo kale aaminsan in baadhitaankani horseedi karo in dad badani ay iska joojiyaan cabbista sigaarka.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".