Badda Östersjön. Foto.TT

Margot Wallström oo ka hadashay xaaladda Östersjön

Wasiirka arrimaha dibadda oo ka hadashay dhaqdhaqaaqyada milatari ee Ruushku ka wado badda Östersjön.

 Margot Wallström ayaa mar ay ka hadlaysay barnaamijka tiifiiga ee Agenda ka faallootay dhaqdhaqaaqyada milatari ee muddooyinkii u danbeeyay ka socday badda Östersjön. Wasiirka ayaa sheegtay in arrintan ay iyada iyo shacabka reer Iswiidhanba walaac ka wada muujiyeen. Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay in arrintan  si wanaagsan loo xaliyo. Wasiirka waxa kale oo ay sheegtay in ay Sweden xaq u leedahay in ay xuduudkeeda iyo sharafteedaba difaacato, oo aanay cidna uga habranayn taasi. Iyada oo Ruushka baaq u diraysana waxa ay sheegtay in Sweden xaq u leedahay ilaalinta xuduudaheeda sida waddanka  Yukrayn(Ukraina).

Xigasho: SVT

Musa Isse

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".