Sharciga dalka. Foto: Jessica Gow/TT.

Nin biyo ku shubay gabadh dawarsanaysay

Maxkamadda magaalada Göteborg ayaa 50 maalmood oo ganaax ah ku xukuntay nin maamule ka ah duwaan ku yaalla magaalada Göteborg.

Ninkan ayaa xukunkani ku dhacay kadib markii uu biyo dusha kaga shubay haweenay Roomaaniyaanad ah oo dukaankiisa  hortiisa ka  tuugsanaysay. Ninkan ayaa lagu helay in uu afar jeer handidaad u gaystay haweenaydan. Sida ay maxkamaddu sheegtay qareenku ma uu caddayn in ay arrintan ka danbaysay cadaawad ama neceyb gabadha loo qabay. Ganaaxan 50 maalmood ah ayaa uu masuulku maalintiiba bixin doonaa 200 kr.

Xigasho: TT, Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".