Baraf badan oo ka di'i doona waqooyiga SwedenFoto: TT

Baraf badan oo ka di'i doona waqooyiga Sweden

Dayrtii waxa ay ahayd mid kulul oo qoyaan wadata. Inkasta oo ilaa bishan ay hawadu ahayd mid diirran haddana toddobaadkan ayuu bilaabmi doonaa qabowgii.

Waxaanu waqooyiga Sweden qabowgu toddobaadkan gaadhi doonaa -15. Haayadda hawadda ayaa baahisay digniinta labaad ee lagu cabiro hawada, waxaanay ka digtay  baraf badan oo dabaylo wata oo ka di'i doona gobolada Jmtlands, Västernorrlands iyo Västerbottens län. Baraf badan ayaa ka di'i doona badhtamaha gobolka Jämtland iyo galbeedka Ångermanland. Dhanka kale waqooyiga  Västerbotten ayay ka dhici doonaan dabaylo xooggani.

Dhammaadka wiigan ayay cimiladu mid dhexdhexaad ah noqon doontaa koonfurta Sweden. Waxaanay gaadhi doontaa ilaa +5, halka ay waqooyiga gaadhi doonto -10. Digniinta ay bixisay haayadda hawadu ayaa ka digaysa in ay dhici karaan dabayl barafta oo waxyeeli kara isu socodka bulshada.

Xigasho: TT, Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".