Mudaharaad. Foto: Daniel Garcia/TT.

Musharka macallimiinta ee kordhay oo keeni kara shaqojoojin

Mushaharka macallimiinta ee la kordhay waxa uu keeni karaa shaqojoojin. Tan iyo intii ay dawladda cusubi sheegtay in ay mushaharka u kordhisay macallimiinta, waxa soo badanayay walaaca ay muujinayeen ururka shaqaalaha iyo shaqo-bixiyayaashu.

Agneta Jöhnk oo ka shaqaysa maamulka guddida degmooyinka Sweden sheegtay in mushaharka macallimiinta ee la kordhiyay uu saamayn ku yeelanayo shaqaalaha kale ee ku shaqeeya xirfadaha kale.

Warshadaha inta badan ku jirta tartanka weyn ee suuqa ayay inta badan saamayn ku yeelataa mushaharkordhintu. Laakiinse madaxa rugta dhexdhexaadinta ayaa aaminsan in mushaharka ay siyaasiyiintu u kordhiyeen macallimiintu uu keeni karo shaqojoojinno hor leh.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".