Aasaasihii Pirate Bay oo Thailand lagu xidhay

Aasaasihii Pirate Bay oo Thailand lagu xidhay

Waxa maalintii isniintii xadka u dhexeeya Thailand iyo Laos lagu xidhay Fredrik Neij oo ahaa aasaasihii barkulanka Pirate Bay.

Maxkamadda Svea hovrätt ayaa Fredrik Neij sannadkii 2010 ku xukuntay xadhig. Waxay maxkamaddu  sidoo kale xadhig ku  xukuntay labadii nin ee kale ee ay wada aasaaseen Pirate Bay. Labadaas nin oo kala ahaa Gottfrid Swartholm Warg iyo Peter Sunde Kolmosoppi.

Jonas Nilsson oo ah qareenka u doodaya Fredrik ayaa xaqiijiyay in Fredrik la xidhay Fredrik, ayna wada wada xidhiidheen maalintii isniinta ahayd kadib markii la qabtay.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.e

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".