Haayadda kormeerka maaliyadda oo dabagal ku wada bangiyada Foto: Fredrik Sandberg/TT.

Haayadda kormeerka maaliyadda oo dabagal ku wada bangiyada

Haayadda kormeerka maaliyadda ayaa bilowday baadhitaankii ugu weynaa ay ku samaynaysay bangiyada si ay u xakamayso lacagaha loo diro argagixisada iyo lacaga la maydho.

Sidaasi waxa qortay jarriiradda Svenska Dagbladet.  Magnus Ranstorp oo ah cilmi-baadhe ku takhasusay arrimaha argagixisada kana shaqeeya kuliyadda sare ee difaaca ayaa sheegay in aanay bangiyadu mihiimad weyn saarin xakamaynta lacagaha loo dirayo kooxaha  argagixisada ah.

Sida ay sheegtay Haayadda kormeerka maaliyaddu, sannadkii lacag gaadhaysa 100 malyuun ayaa lagu maydhaa Sweden. Haayadda kormeerka maaliyaddu waxa ay sheegtay in lacago badan oo si sharcidarro ah loo sameeyay inta badan la mariyo bangiyada taasina ay fursad siiso kooxaha sida qaldan u helay lacagtaasi.

Baadhitaankan ay waddo Haayadda kormeerka maaliyaddu waxa uu dhammaan doonaa badhtamaha dayrta sannadka danbe ee 2015.

Xigasho: SvD

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".