1 av 3
Kulan ka dhacay aqalka umadda Rinkeby iyo sidii looga hor-tegi lahaa dhallinyarada u socdaasha dagaallada xag-jir-nimada. Sawirle: Kenadid Maxamed/Radio Sweden SR
2 av 3
Kulan ka dhacay aqalka umadda ee Rinkeby oo looga xaajoonayey ka hor-tagga dhallin-yarada u socdaasha dagaaladda xag-jir-nimo. Sawirle: Kenadid Maxamed/Radio Sweden SR
3 av 3
Kulan ka dhacay aqalka umadda ee Rinkeby oo looga xaajoonayey ka hor-tagga dhallin-yarada u socdaasha dagaaladda xag-jir-nimo. Sawirle: Kenadid Maxamed/Radio Sweden SR

Sidee looga hortegi karaa dhallinyarada u socdaasha Isis

Iikar: Dhallinyarada waa in laga saaro faqooqa
3:52 min

Kulan xalay fiid-nimadii ka qabsoomay aqalka umadda ee xaafadda Rinkeby uuna soo qaban-qaabiyey ururka isu-tagga muslimiinta ku dhaqan nawaaxiga Järva ayaa looga arrinsaday sidii looga hor-tegi lahaa dhallin-yarada iswiidhishka ee u socdaasha waddammada ey ka socdaan dagaalada sokeye iyo sidii ey uga barbar dagaalami lahaayeen ururrada xag-jirrada ee waddammadaa ka dagaalama.

Kulanka ayaa sababihii loo agaasimey ey ahaayeen sidii looga xaajoon lahaa amuurtaa, isla-markaana meel la isula dhigi lahaa sida ugu habboon ee wax looga qaban karo.

Kulanka oo ey ka soo qayb galen isku-duwaha dawladda ee siyaasadda looga hor-tegeyo dhallin-yarada xag-jirka ku biirta Mona Sahlin, saraakiisha ciidanka ammaanka xaafadaha Rinkeby Kista iyo Spånga Tensta, ururrada bulshada ku dhaqan xaafadahaa oo ey ka mid ahaayeen ururka daladda ururrada Soomaaliyeed, ururrada masaajidda, waalidiin, dhallin-yaro, culimo iyo sidoo kale howl-wadeenno ka howl-gala hayadaha kala duwan ee dawliga.

Iikar Cabdulqaadir, oo muddo labaatan sannadood kor u dhaafeysa ku howlanaa adeegyada xabsiyada dalka ayaa ka mid ahaa dadyoowgii kulanka ka soo qayb galay. Iikar Cabdulqaadir ayaa sheegay mar uu kulanka ka hadlayey inay tahay faqooqa ey bulshada dibadda ka joogaan iyo raja-xumida la soo gudboonaata dhallin-yarada midda ugu wacan iney ka barbar dagaalamaan ururrada xag-jirka. Iikar Cabdulqaadir oo wareeysi siiyay idaacadda Radio Sweden, laanta af-soomaaliga ayaa nooga warramay fikirkiisa sida kulankani u qabsoomay:

                                                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".