Safiirkii Israa'iil u fadhiyay Stockholm oo soo noqonayaFoto: TT.

Safiirkii Israa'iil u fadhiyay Stockholm oo soo noqonaya

Sida laga soo xiganayo warbaahinta waddanka Israa'iil waxa dhawr toddobaad gudahood shaqadiisii ku soo noqon doona Isaac Bachman oo ah safiirka Isaa'iil u fadhiya Sweden.

Safiirka ayaa magaalada Jerusalem looga yeedhay kadib markii ay Sweden aqoonsatay waddanka Falastiin. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa'iil ayaa sheegtay in ay safiirkooda dib u soo celinayaa maadaama oo aanay jirin dal kale oo Sweden ku raacay go'aankii ay ku go'aansatay Falastiin, sidaasi daraadeedna ay Sweden ku takooran tahay go'aankaasi.

Ma cadda goorta uu safiirku soo noqon doono, sida se safaaradda laga soo xigtay waxa uu wali safiirku Israa'iil u joogaa wada tashi. Sidaasi waxa qortay warbaahinta TT.

Xigasho: TT, SvD

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".