Qiimaha karoonka oo hoos u dhacay. Foto: Flickr

Qiimaha karoonka oo hoos u dhacay

Qiimaha karoonka ee hoos u dhacay waxa uu saamayn ku yeelan doonaa dadka Iswiidhishka ah ee waddanka dibaddiisa u safraya iyo waliba alaabaha la soo dejinayo.

Sababtuna waxa weeye in uu wali qiimaha safirka karoonku hoos u sii dhacayo. Dhanka kale waxa ay faa'iido weyni ugu jirtaa dadka alaabaha ka dhoofinaya Sweden, maaddaama oo ay qiime jaban ku gadanayaan, hoosna uu u sii dhacayo qiimaha alaabtu.  Ilaa gu'gii sannadkan waxa uu qiimaha karoonku hoos u dhacay 17%.

Hoos u dhacan ku yimid karoonka waxa sabab u ah  bangiga Riksbank oo xagaagii dhawaa si weyn hoos u dhigay qiimihii ribada, halka uu dhammaadkii bishii oktoobarna uu eber ka dhigay ribada.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".