Goobtii shilku ka dhacay - Hjorthagen. Sawirle: Anders Hildemar Ohlsson/Sveriges Radio

Shuruudo lagu xirey goob uu shalayto shil ka dhacay

Hayadda ammaanka bayada goobaha shaqada oo afka iswiidhishka lagu yiraahdo - Arbetsmiljöverket ayaa go'aamisay in si ku meel gaar ah albaabada loogu laabo goob ay ka socotay howl-dhismeed oo shalay uu ka dhacay shil ey ku geeriyoodeen laba muwaadin oo u dhashay dalka boolan, halka mid saddexaadna uu ku dhaawacmay.

Hayadda dhowrista ammaanka bayada goobaha shaqada ayaa hor-dhigtay maamulka dhismaha shirkadda shiidaalka rr Fortum shuruudo dhowr ah sidii dib loogu furi lahaa howlaha ay shirkaddu halkaa ka wado.

Marka koowaad waa in shirkadda Fortum xaqiijisaa in aaney goobta ka dhici doonin burbur kii la mid ah, inaan lagu howl-gelin alaab daadan karta iyo in la sameeyo qiimeeyn xirxirka qalabka la xiriira, sida uu sheegay

Kresimir Iveskic kana mid ah saraakiisha hayadda.

Shilkii shalay goobtaa ka dhacay ayey ciidanka ammaanku baaris ku hayaan.

Isha /Ekot

                                                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".