Sawirle: Steven Kreuzer/Flickr

Dacwooyinka IT laga gudbiyo oo aan loo baarin hab ku habboon

Dunuubta la galo ee la xiriira aaladda isgaarsiinta teknooloojiyada casriga ah (IT) ayaan inta badan gaarin heer lagu rido xukun maxkamadeed, sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter (DN) oo baaritaan amuurtaa ku sameeyay.

War-geeyska DN ayaa baaritaan ku sameeyay dacwooyin laga soo oogey falal la xiriira in si aan sharciga waafaqsaneyn lagu galo shaashado oo gaarsii-san 2 100, kuwaasina oo illaa hadda hor-seedey iney keliya laba ka mid ah uu xukun maxkamadeed ku dhaco. Halka dacwooyinkii harey dhammaantood la dhigey miiska hoostiisa ama ey weli socdaan.

Baaritaanka war-geeyska DN ayaa muujinaya in ciidanka ammaanku baraf saareen dacwooyinka inkasta oo ey jireen caddeeymo wax ku ool ah. Tusaale ahaan shirkad ka howl-gasha magaalada Göteborg oo sannadkii ina dhaafay lagula kacey fal in weerar buux dhaafis ah lagu soo qaadey shaashaddii internet-ka ee shirkadda, falkaasina oo sababay in shaashaddii la demiyey. Saraakiil shirkadda ka tirsanaa ayaa dacwad middaa ka gudbiyey iyagoona caddeeymo hor dhigey dembi-baareyaashii ciidanka ammaanka. Maalin dabadeed ayey ciidanka ammaanku baraf saareen baaritaankii, iyaga oo aan weliba weydiin war-bixintii.

375 ka mid ah dacwooyinka gaarsii-san 2 100 ee war-geeyska DN uu baaritaanka ku sameeyay ayaa hoos  loo dhigey isla-maalintii ama maalintii xigtay. Halka 1 300 oo dacwadood hoos loo dhigey muddo toddobaad gudihiis ah.

Ulrika Sundling, oo ka howl-gasha hoggaanka sare ee ciidanka ammaanka kuna howlan dembiyada la xiriira IT, ayaa sheegtay inay la xiriirto aqoon yaraanta saraakiisha ammaanka ee howlahaa, mar ay la hadleeysay war-geeyska DN. Iyadoona ay akadeemiyada ciidanka ammaanku dib u eegis middaa ku sameeynayso iyo nsidii saraakiisha loo siin lahaa aqoon ku filan ee dhanka IT.

(Sida ay sheegtay hayadda talo-bixinta ee ka hor-tatga dembiyadu iney kor aad ugu kaceen 6==% muddo afar sannadood ah dembiyada salka ku haya aaladda IT-ga.

Isha /DN

                                                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".