Sawirle: Maja Suslin/TT.

Deegaan sumeeysan oo la qorsheeneyo in qaxooti la dejiyo

Hayadda maamul-goboleedka caafimaadka ayaa ku talo jirta sidii ay ku joojin lahayd qorshe deegaan lagu dejin lahaa qaxooti magan-gelyo doon dalka ku ah agagaarka nawaaxiga Bergdala glasbruk, iyada oo middaa loo sababeeyey in dhulka qaxootiga la dejin rabo uu yahay dhul wasakheey-san/sumeey-san. Shalayto ayay ahayd kolkii qeylo-dhaan la gaarsiiyey wakaaladda socdaalka iyo in deegaankaasi aannu ahayn mid ku wanaag-san in qaxootiga iyo dhallaankooda la dejiyo iyo cid kaleba.

Dhulka doodda dhaliyey ayaa ku wasakheey-san maadada sunta ah ee arsheniik:
- heerka maadada arsheniik ayaa aad ugu sarreeya goobtaa. Iyada oo weliba ey dusha sare ee deegaanka laga heley.  Dhulkaa ayaa lagu qiyaaseyaa inay maadadaa aad ugu jirto, eyna wax-yeelo ballaaran u leedahay dhallaanka ciiddaa ey oogadooda gasho, sida ay sheegtay Karin Simonsson oo hayadda-goboleedka u qaabil-san howlaha ammaanka bayada. 

Carriga Bergdala glasbruk ayaa ka mid ah goobaha ugu sunta badan ee gobolka, iyada oo bulshada ay ka mamnuuc tahay inay goobtaa tagaan, middaasina loo aaneyneyo sunta arsheniik iyo sun kale oo aad ugu badan ku badan.

Iyada oo ay sidaasi tahay ayay wakaaladda socdaalku qandaraas ugu ogolaatay shirkad gaar loo leeyahay inay goobtaa ka biloowdo deegaan 50 ruux oo qaxooti ah iyo iney ugu dambeeyn bisha noveembar ee sannadkan ka hir-geliyaan.

Isha /P4 Kronoberg

                                                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".