Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sumadda xisbiga Moderaterna. Sawirle: SVT/BILD

M oo taagero codad badan ku lumiyay SD doorashadii sannadka

Hirarkii cod-bixiyeyaasha ee xisbiga Moderaterna (M) ee codkooda siiyey xibiga Sverigedemokraterna (SD) doorashadii dalka ka dhacday bartamihii bishii septeembar ee sannadkan ayaa ka baaxad weynaa tiradii horey loo aqoon-sanaa. Iyada oo tiro ka badan tobankii ruuxba mid 11,4% ey xubnihii xisbiga M u codeeyey doorashadii sannadkii 2010 ey doorashadii sannadka u codeeyeen xisbiga SD, sida lagu ogaaday baaritaan qoto-dheer oo ay sameeysay idaacadda la iska daawado ee SVT.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayay taageeradiisu kor u dhaaftay laba-jibbar wax 6% ka hooseeya sannadkii 2010 iyo ku dhowaad 13% doorashadii sannadka ee 2014, halka uu xisbiga M hoos u dhacay 30%, gaareyna 23% ee doorashadii ugu dambeeysay.

Isha /SVT

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".