Sawirle: TT. Montage: Sveriges Radio.

Ingves: Wax in laga bedelo bixinta deeymaha guryaha lagu iibsado

Guddoomiyaha bangiga qaranka Stefan Ingves ayaa aamin-san in iminka loo baahan yahay hir-gelinta shuruuddo qayb-qayb loogu bixiyo deeynta lagu iibsadey guryaha, kadib wixii ka dambeeyay dhimistii ribada ee hoos loo dhigey toddobaadkii ina dhaafay.

Dood uu maanta Ingves maanta ku daabacay war-geeyska DN ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in hoos loo dhigo kor u kaca deeymaha ku sii badanaya qooysaska iswiidhishka middaasina ugu wacan tahay sidii looga samata-bixi lahaa is-bedelka dhaqaale ee midkan xiga dhankuu u weecdaba kor ama hoos.

Isha /DN

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".