Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Tijaabi nolosha hoy-la'aanta. Sawirle: Anders Prammefors/Sveriges Radio

Isteeshinnada oo laga mamnuucayo dadyoowga hoy la'aanta ah

Shirkadda guryaha ee Jernhusen, oo mulki u leh dhismo kontameeyo gaaraya ee xarrummaha tareemmada istieeshinnada ee dalka ayaa iminka go'aansatay sidii ay uga shaqeeyn lahayd inay xarummaha tareemada laga sifeeyo dadyowga guryo la'aanta ah.

Shirkadda ayaa sheegtay iney cabashooyin uga yimaadeen arrimmahaa la xiriira rakaabka gaadiidka ee xarrummaha tareemmada, maadaama aaney isticmaali karin goobaha isteeshinnada gaadiidka iyo musqulahaba, isla-markaana goobaha fadhiga jiif, halka musqulahana loo isticmaalo goobo lagu qubeeysto.

Sidaa-daraadeed ayay shirkaddu u bilowday iney ku dhejiso goobahaa boorar ey ku qoran yihiin iney xarumaha isteeshinnada isticmaali karaan oo keliya cid tigidho heeysata, isla-markaana dadyoowgaa oo keliya ku negaan karaan fadhiyada xarrummahaa.

Xarunta isteeshinka ee Linköping ayaa noqotay magaaladii ugu horreeysay ee laga hir-geliyo in tabeelooyin digniin ah lagu dhejiyo isteeshinnada gaadiidka, hase yeeshee sida ay shirkaddu sheegtay ay magaalooyin kalena ka hir-gelin doonto falal la mid ah.

Madaxa ammaanka ee shirkadda Jernhusens Leif Svensson  ayaa jawaab qoraal ah oo uu siiyay laanta wararka idaacadda Ekot ku sheegay in shirkaddu ku khasban tahay inay tallaabo ka qaado amuurtaa mar haddii aaney rakaabku isticmaali kareyn adeegyadii ey xaqa u lahaayeen.

Go'aanka shirkadda ayuu dadyoowga ka dhiidhiyay ka mid tahay Daniela Andreoli, kana mid ah madax-waaxeedyada ururka Stadsmissionen ee magaalada Göteborg, ururkaasina oo nawaaxigaa ka wada howlo aad u xoogan oo ku wajahan dadyoowga hooy-la'aantu asiibtey.

- Waxaan dadyoowgaa la kulmaa marka ey xaaladdoodu ugu liidato, kolka ey xarrummahayaga yimaadaan. Waxay tallaabadaasi ku noqon kartaa mid naftooda halis ku ah, waayo habeen keliya ayaa dhaxan loogu dhiman karaa.

Shirkadda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay la xiriirtay maamullada dhowr degmo sidii xal loogu heli lahaa dadyowga guryaha la'.

Isha /Ekot

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".