Luxembourg Leaks. sawir: Tim Meko / Shutterstock

Shirkado ku tallaabsaday falalka canshuur la baxsiga qorsheeysan

Qoraallo sir ah oo gacanta u soo galay laanta wararka ee idaacadda Ekot ayey ku caddaadeen in hayadda canshuuraha ee dalka Luxemburg suurtagal uga dhigtay shirkado caalami ah oo boqolaal gaareya iney u sahlanaato qorshahooda canshuur qorsheeyn iyo sidii ey ku dhimi lahaayeen baaxadda canshuur biixinta.

Shirkadahaa ayey ka mid yihiin tusaale ahaan shirkadda alaabooyinka guryaha ee Ikea, shirkadda cabitaanka ee Pepsi iyo shirkadaha waaweyn iswiidhishka ee biimada wax ku maal-geliya - riskkapitalbolagen. Qoraallada ey laanta wararka Ekot gacanta ku dhigtay ayaa caddeeynaya sawirkii laga haystay in dalka Luxemburg yahay uu shirkadaha u yahay janno yar oo ey canshuuraha ku qorsheeystaan, sida uu sheegay caalin ku takhasusay canshuuraha Roger Persson-Österman oo ka howl-gala jaamicadda Stockholm.

- Farqiga ayaa noqonaya in iminka caddeeymo badan loo hayo middan iyadoona la oran karo in: inay ahayd mid aad u sahlan. Inaan horay loo ogsooneyn hase yeeshee iminkase ay si cad u muuqatay.

Isha /Ekot

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".