Isticmaalka maandooriyaha Spice. Foto: Polisen.

Nin isticmaalay daroogada Spice oo dhakhtar loola cararay

Sida ay booliska magaalada Sandviken sheegeen xalay markii ay saacaddu ahayd 10kii habeenimo ayaa nin da’diisu tahay 35 jir loola cararay dhakhtarka kadib markii uu isticmaalay xaddi badan oo daroogada Spice loo yaqaan ah.

 Booliisku waxa ay sheegeen in uu ninkani mar danbe  qirtay in uu isticmaalay maandooriyahan. Waxaana baryahan Sweden ku soo badanayay isticmaalka daroogadan oo ah mid ay waxyeeladeeda si weyn uga hadashay haayadda caafimaadka qaabilsani. Waxaana maandooriyahan  ku jira maadooyin khatar ku ah caafimaadka qofka, kuwaasi oo si xun u saamaynaya maskaxda iyo baaqyada ay unnugyada maskaxdu siiyaan qaybaha jidhka.

Xigasho: TT

Musa Isse

Musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".