Tirada dadka wadne-xanuunku ku dhaco oo yaraaday

Tirada dadka wadne-xanuunku ku dhaco oo yaraaday

Daraasad cusub oo ay haayadda hoggaanka arrimaha  bulshada ayaa muujinaysa in ay hoos u dhacday tirada dadka uu haleeli jiray wadne-istaaggu. Sannadkii hore waxaa wadnaha lagaga soo booday dad gaadhaya 28 000 qof,

 taasina waxa ay muujinaysaa in tirada dadka wadnaha laga qaban jiray ay hoos u dhacday 7% marka la barbardhigo sannadkii 2012. Sidoo kale waxaa hoos u dhacday tirada dadka u dhinta wadno-xanuunka. Sannadkii 2013 waxa wadne-xanuun u dhintay 3518 nin iyo 2707 dumar ah. Taasi oo ka dhigan in qiyaastii 8% ilaa 9% ay tiradaasi hoos u dhacday marka loo eego sannadkii 2012.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".