Waxa kordhay tirada dadka shaqeeya. Foto: TT

Waxa kordhay tirada dadka shaqeeya

Sannadkan aynu ku jirno ee 2014 rubuciisii u danbeeyay waxa kordhay tirada dadka shaqaalaha  ah ee da'daadu u dhaxayso 15 jir ilaa 74 jir, waxaanay dadkaasi shaqada helay tiradoodu gaadhaysaa 4879 000 qof.

Tani ayaa muujinaysa in ay ka badan tahay tiradii shaqada heshay rubucii saddexaad ee sannadkii hore oo tiradoodu ahayd 92 000 qof. Dadka shaqada helay waxa ay u badan yihiin dumar iyo dad ku dhashay waddanka dibaddiisa. Suuqan shaqadee kordhay waxa uu kor u kacay inta u dhaxaysa 0,8% ilaa 97,6%. Daraasad xilliyeed la sameeyay baa muujinaysa in ay kor u kaceen dadka shaqada helay. Dhanka kale dadka bilaa shaqada ah baa tiradoodu gaadhay 379 000, waxaanay shaqo la'aantu maraysaa 7,2%.

Xigasho: SCB

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".