Foto: Martina Pierrou/Sveriges Radio

Nin dawlada ka dalbaday 19 milyan oo koroon oo magdhow ah

Nin 66-jir ah oo xabsi ku jiray 9 sannadood balse markii dambe la sii daayay, markii dambigii loo haystay lagu wayay. hadda ayaa ninkani dawlada dalbanaya lacag dhan 19 milyan oo koroon oo magdhow ah 

Lacagtan ayaa noqonaysaa midii ugu badnayd ee dawladu bixiso iyada oo siinaysa qof xabsi ugu jiray si qalad ah. Sidaa waxaa ku waramaysa shaashada TV4.              

Ninkan ayaa hore waxaa xukun ugu riday maxkamada degmada iyo maxkamada rafcaanka labadaba, isaga oo lagu eedayay in uu kufsaday gabadh uu dhalay in ku dhow 200 oo jeer. Booliska ayaa gadaal ka shaaciyay in gabadhani ay samaysay sheekadan ku saabsan kufsiyada.

Intaa ka dib ayaa booliska waxaa uu shaki galiyay weerar hore oo ay sheegtay in aabaheed u geystay. 

Isha:SVT/Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".