Foto: Janerik Henriksson/TT.

SD oo miisaan dheelitir ku leh afartii degmo mid

Horumarka xisbiga Sverigedemokraterna ka soo hooyey doorashadii degmooyinjka ee dhawaan dalka ka dhacday ayaa keentey, sida uu dhigeyo hanaanka qaybsashada kurasta, in xisbigaan kaalin miisaan isku dheeritir ku yeesho degmooyinka ka badan labo jirbaar kuwii uu awel ku lahaa, sidaas waxaa muujineysa u kuurgal telefishinka SVT sameeyey.

Halka doorashadii ka horeysey middii dhwaan dalka ka dhacdey uu xisbiga SD kulahaa miisaan isku dheelitir 37 degmo ayuu doorashadii dhawaan dhacdey ku yeeshay miisaan isku dheelitir 72 degmo.

Miisaan isku dheelitir waxaa lagala jeedaa in xisbiga SD isku dheelitiri karo garabyada siyaasadda oo hadba cidda uu la codeeyo golayaasha degmooyinka ay siyaasadooda meelmareyso.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".