Sverigedemokraternas ekonomisk-politisk talesperson Oscar Sjöstedt (tv) och Mattias Karlsson, tillförordnad partiledare, presenterar partiets höstbudgetmotion under en presskonferens. Foto: Claudio Bresciani/TT.

SD oo maanta bandhigay miisaaniyadooda

Maanta waxaa ayana miisaaniyadooda soo bandhigay xisbiga Sverigedemokraterna. Hindisiyaashamiisaaniyadda SD ayaa waxaa ku jira waxyaabo badan oo uu xisbiga horey ugu soo bandhigay olalhiisii doorashada. Tusaale waxaa ka mid ah in meesha laga saaro canshuurta laga qaado gunooyinka howlgabka iyo weliba in lacago dheerad ah la geliyo difaaca dalka iyo garsoorka.

Balse siihayaha hogaanka xisbigan Mattias Karlsson ayaa sidoo kale ku soo bandhigay hindisaha miisaaniyadda SD waxyaabo cusub oo ay ka mid yahiin dib u soo celinta shaqada qaran (värnplikt) iyo cusbooneynta warshada Sweden ee tamarta quwadda nukliyeerka soo saara iyo weliba canshuurta laga dhaafo shirkadaha shaqaalahooda ka badan yahay sagaal ruux.

 Xisbiga SD ayaa doonaya in miisaaniyadiisa uu ku maageliyo 187 bilyan oo laga keydiyo qaabilaadda magangeliyo doonka iyo dib u mideynta qaraabada, iyada oo la yareynayo magangeliyo doonta la qaabilo boqolkii 90.

 Mattias Karlsson ayaa ka dhago adeygey in uu ka jawaabo bal in xisbigiisa uu taageeri doono miisaaniyadaha mucaaradka Alliansen ama midda xukumadda.

//SR, TT

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".