Foto: Tahir Yousef Sveriges Radio P4 Östergötland

Arddey ku mudaharaadey laanta socdaalka

Arddey ka soo socdaashey degmada Örebro oo dhigata fasalka todobaad ayaa maanta ku hor mudaharaadey xarunta laanta socdaalka ku leedahay degmada Flen. Ardeyda ayaa ka mudaharaadeysey gabadh ka mid ah arddeydan oo aabbahed dalka laga masaafurinayo loona masaafurinayo dalka Afghanistan .

Gabadha Maria oo 12 sanno jir ah ayaa haddii aabbahed la masaafuriyo keli dalka ku noqoneysa maadaamo aysan wax qaaraabo ah dalka u joogin.

Maria waxay keligeed dalka timid markey jirtey 9 sanno ka dibna waxaa la siiyey deganaansho rasmi ah. Sannadkii 2013 waxaa dalka yimid aabbaheed laakiin aabbeheed waxaa xaggaagii hore diidmo laga siiyey dalbadkiisa sharciga degnaanshaha, imminkana waxaa lagu haya xarunta lagu hayo dadka la masaafurinayo ee laanta socdaalka ku leedahay degmada Flen, halkas oo uu ku sugayo inta dalka laga saarayo.

Mudaharaadka arddeyda ayaa ku sabsan sidii laanta socdaalka dib u eegeys ugu sameyn laheyd go’aankeeda masaafurinta aabbaha gabadha dhalay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".