Dadka dalka ku cusub oo bog ay macluumaad ka helaan loo hirgeliye

Waxay badanaa dhibaato weyn ka heystaa dadyowga dalka ku cusub sidii ay ku heli lahaayeen macluumad lays ticmaali karo oo sax kuna sabsan degmiiyinka dalka. Sidaas daraaded ayey maamulada gobolada dalka wadojir u hirgeliyeen bog cusub oo dadyowga dalka ku cusub ka heli karaan macluumadka u muhiimka ah bulshad.

Dhamaan 290 degmooyin ee dalka ayaa macluumadkooda laga heli karaa boggan cusub. Sidoo kale qofka dalka ku cusub asaga oo adeegsanaya qariirad ama kaarto ayuu boggan ka baaran karaan macluumaadka ku sabsan shaqooyinka banaan, shirkadaha guriyaha, ururada bulashada, caafimadka iyo daryeelka iyo weliba iskuulada.

 Macluumaadka boggan ayaa dhawaan lagu turjumi doonaa afarta luuqadood ee ugu waawey ee ay ku hadlaan dadyowga ugu badan ee waayadan dalak soo galo. Luuqadahas waxay kalo yahiin AF-carabiga, soomaaliga, af-tigrinia.

Halkaan ka booqo boggan cusub.

http://www.informationsverige.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".