Hayadda gunnada howl-gabka oo war-bixinno ku bixineeysa siddeed luuqadood magaalada Stockholm, Göteborg iyo Malmö. Sawirle: Kapi/Pensionsmyndigheten.

Warbixin ajaaniibta lagu siineyo afkooda ee gunnada howlgabka

Waxaan u sahleeynaa war-bixinta
5:17 min

Hayadda dalkan u qaabil-san arrimmaha la xiriira dakhliga howl-gabka ayaa xoogga isugu geeynaysa muddo shan toddobaad ah sidii luuqaddooda hooyo loogu war-gelin lahaa siddeed ka mid ah luuqadaha ey ku hadlaan ajaaniibta dalkan ku dhaqan ee soomaaliguna ka mid yahay. Hayadda howl-gabka - Pensionsmyndigheten ayaa hoowshaa u xil sartay shirkad hayadaha iyo shirkadaha ka caawisa sidii ey bulshada ku gaarsiin lahayd warbixinnada - mångfalds kommunikation.

Cambaro Xuseen waxay baratya culuunta dhaqaalaha iyo xiriirka. Cambaro Xuseen ayay shirkaddu u xil-saartay mashruuc ey shirkaddu ka taakuleeyneyso hayadda howlaha gunnada howl-gabka. Haddaba mar aannu wareeysi kula yeelanay Cambaro Xuseen bartamaha xaafadda Fitja ayuu wareeysigii aan la yeelanay uu sidan u dhacay:

                                                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".