Taageerada loo hayo Anna Kinberg oo sii kordhaysa. Foto: wikimedia Commons.

Taageerada loo hayo Anna Kinberg oo sii kordhaysa

Badi urur goboleedyada xisbiga moderaterna ayaa Anna Kinberg ku taageeraya sidii ay u noqon lahayd hoggaamiyaha cusub ee xisbiga Moderaterna. Maalintii isniintii guddiyada xisbiga Moderaterna ee gobolada Skåne iyo Dalarna ayaa Anna Kinberg Batra u caleemo-saaray hoggaamiyaha cusub ee Moderaterna.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in Anna Kinberg Batra ay haysato taageerada 13 guddi  gobol  oo ka mid ah 24 guddi gobol ee xisbiga Moderaterna ku leeyahay dalka. Ilaa hadda laba guddi gobol baa iyagu soo caleemosaaray musharixiin kale.

Anna Kinberg Barta waa afhayeenka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee xisbiga Moderaterna, waana guddoomiyaha guddi ka mid ah baarlamaanka. Xisbiga Moderaterna ayaa marka la gaadho 7 maarso dooran doona hoggaamiye cusub oo uu xisbigu yeesho.

Xigasho: TT

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".