Siyaasiyiin soo jeedisay in ururka PKK laga saaro liiska argagixisada. Foto: Fredrik Sandberg /Scanpix (arkivbild).

Siyaasiyiin soo jeedisay in ururka PKK laga saaro liiska argagixisada

Laba xubnood oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa soo jeediyay in ururka Kurdiyiinta ee PKK laga saaro liiska ururrada argagixisada. Per Gahrton iyo Jabar Amin ayaa qoraal ay ku qoreen jarriiradda Svenska Dagbladet ku soo jeediyay in ururka PKK laga saaro liiska ururrada argagixisada.

Dawladda Sweden ayaa dhawaan sheegtay in ay mabnuuci doonto in ay dadka Iswiidhishka ahi u safraan oo ay ka garab dagaalamaan ururrada argagixisada ay u aqoonsatay qaramada midoobay. Taasi oo ka dhigan in dadka Kurdida ah ee Sweden deggan ee u safra  bariga dhexe si ay ugu biiraan PKK ay ciqaab xun la kulmi doonaan maaddaama oo ururkaasi yahay mid loo aqoonsan yahay urur argagixiso.

Gahrton iyo Jabar Amin ayaa iyagu si arrintaasi ku micneeyay mid aan macquul ahayn.

Xigasho: SVD

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".