Wax iibsiga oo kor u kici doona ciidda miilaadiga Kiristaanka. Foto: Postnord.

Wax iibsiga oo kor u kici doona ciidda miilaadiga Kiristaanka

Sida ay sheegtay shirkadda  daraasaadka ka shaqaysa ee HUI Research, wax kala iibsiga ayaa 2,5% kor u kici doona sannadkan marka la gaadho ciidda miilaadiga Kiristaanka. Lacagta wax lagu iibsan doono ayaa gaadhi doonta 68 bilyan oo karoon.

Qiyaastii 29 bilyan ayaa lagu gadan doonaa alaabaha daruuriga ah, 39 bilyan oo karoon na lagu kharashgarayn doono alaabaha la iibsado wakhtiyada gaarka ah.

Sannadkii hore wax iibsigu waxa uu kor u kacay 2,6%. HUI Research waxa la aas aasay sannadkii 1990. Tan iyo intii la aasaasay shirkadda HUI Research, wax iibsigu waxa uu hoos u yara dhacay uun saddex jeer, kuwaasi oo kala ahaa sannadadii 2012, 1995 iyo 1992.

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".