Maj ligger i sängen
Xarumaha waayeelka oo kor loo qaadi doono daryeelkooda. Foto: Lisbeth Hermansson/Sveriges Radio

Xarumaha waayeelka oo kor loo qaadi doono daryeelkooda

Hoggaanka bulshada ayaa  soo jeediyay shuruudo cusub oo dhigaya in daryeel fiican oo habeen iyo maalin ahba la siiyo xarumaha lagu hayo dadka waayeelka ah.

Hoggaanka bulshadu waxa uu soo jeediyay in xarumaha dadka waayeelka ah lagu  hayaa helaan daryeel joogto ah iyo shaqaale heegan u ah afar iyo labaatanka saacadood ba. Sayran Khayati oo ah sharci-yaqaan ka tirsan hoggaanka bulshada ayaa shir jaraa'id ku sheegay in aan loo dulqaadan karin in shaqaaluhu ka tagaan qof si xun u xanuunsanaya.

Shuruudahan cusub ayaa la socda hannaanka cusub ee uu u shaqayn doono hoggaanka bulshadu.

Xigasho: TT

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".