Volvo lastvagnar i Umeå informerar om Volvos nya varsel under en presskonferens i Umeå. Foto: Rolf Höjer / SCANPIX / TT.
Shirkadda Volvo.Foto: Rolf Höjer / TT.

Volvo oo beenisay in ay 3000 qof shaqada ka eryayso

Shirkadda gaadiidka ee Volvo ayaa  beenisay war uu qoray Dagens industri, warkaasi oo sheegayay in ay Volvo shaqo-dhimis ku samaynayso 3000 qof oo shaqaalaheeda ka mid ah.

 Kina Wilecke oo ah afhayeenka shirkadda ee dhinaca warbaahinta ayaa u sheegtay idaacadda P4 Göteborg in ay dib u eegis ku samayn doonaan hannaanka ay shirkaddu ku shaqayso, gaar ahaan waxa ay dib u eegis ku samayn doonaan, qaybaha gaadiidka waaweyn, qaybaha mishiinada iyo waliba qaybta tignoolajiyadda. Dib u eegistan ayay sheegtay in ay samayn doonaan dhammaadka sannadkan 2014. Kina waxa ay sheegtay in aanay hadda sheegi karin tirada shaqaalaha ay shaqada ka eryi doonaan, waxaanay intaa raacisay in shaqo-dhimistu aanay ahayn uun Sweden laakiinse ay tahay guud ahaan xarumaha ay shirkaddu ku leedahay adduunka. Shaqo-dhimistan waxa sabab u ah qorshaha kor loogu qaadayo dhaqaalaha shirkadda oo uu ballanqaaday Olof Persson oo ah madaxa shirkadda Volvo. 

Xigasho: SR

Musa Isse

Musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".