Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Nytt lager i Norrköping för Apotek Hjärtat foto:Tahir Yousef/Sveriges Radio
Shirkadda Ica oo iibsanaysa shirkadda farmasiiyada Hjärtatfoto:Tahir Yousef/Sveriges Radio

Shirkadda Ica oo iibsanaysa shirkadda farmasiiyada Hjärtat

Shirkadda weyn ee ka ganacsata cuntooyinka ee Ica ayaa iibsanaysa shirkadda labaad ee ugu weyn shirkadaha dawooyinka iibiya ee Sweden. Waxaanay ku iibsan doonaan lacag dhan 5,7 bilyuun oo karoon.

Per Srtömberg oo ah madaxa shirkadda Ica ayaa sheegay in ay ujeedadu tahay sidii ay macmiishooda u siin lahaayeen adeegyo wanaagsan oo dhanka daryeelka caafimaadka ah. Waxaanu intaa ku daray in aanu farmasiiga cusubi noqon doonin mid dukaamada ku dhex yaalla, ee uu noqon doono ay noqon doonaan farmasiiyo si gaar ah u shaqeeya. Per Strömberg waxa uu sheegay in ay tahay wax wanaagsan oo xiiso badan leh in ay shirkaddooda Ica la wareegto mid ka mid ah shirkada ugu waaweyn waddanka ee dhanka iibinta dawooyinka. Waxaanu intaa raaciyay in ay noqon doonaan shirkadda labaad ee ugu weyn marka laga yimaaddo farmasiiyada ay dawladdu gacanta ku hayso.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".