Föremål för debatt - elever och lärare på Granåsskolan. Foto Oskar Lodin / Sveriges Radio
Macallimiin badan oo aan rabin in ay shaqadooda sii wataan Foto Oskar Lodin / Sveriges Radio

Macallimiin badan oo aan rabin in ay shaqadooda sii wataan

Macallimiinta oo aan jeclayn in ay macallinimo ku shaqeeyaan ilaa inta ay ka hawlgabayaan. Macallimiin yar uun baa doonaya in ay xirfaddooda ku sii shaqeeyaan ilaa inta ay hawlgab noqonayaan. Sidaasi waxa muujinaysa daraasad uu sameeyay ururka midowga macallimiinta.

1000 macallin oo la waydiiyay ayaa saddex meeloodoow hal meel sheegeen in ayna macallinimo ku sii shaqayn doonin. Macallimiinta da'doodu ka yar tahay 40 jirka ayaa ah kuwa inta badan aan ku faraxsanayn shaqadoodu, waxaanay kala badh intii la waraystay sheegeen in ayna macallinimo ku sii shaqayn doonin wakhtiyada soo socda.

Xigasho: Dn

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".