In Stockholm, Gothenburg and Malmö, mortgages are on average four times bigger than the household income. Photo: Hasse Holmberg/TT
Shuruudaha deynta oo culays ku noqon kara da'yarta Photo: Hasse Holmberg/TT

Shuruudaha deynta guryaha oo culays ku noqon kara da'yarta

Kadib markii ay waaxda baadhitaanka dhaqaaluhu sheegtay in ay kor u qaadayso shuruudaha deynta waxa laga yaabaa in ay dhallinyaro badan ku adkaato in ay deynsadaan guryo.

Sidaasi waxa sheegay aqoonyahanno arrimahan ka faallooda iyo waliba Stellan Lundström oo ah barafasoor dhaqaalaha dhinaca hantida ku xeeldheer oo wax ka dhiga jaamacadda Tekniska Högskolan ee Stockholm.

Stellan Lundström waxa uu sheegay in ay dadka la gudboon tahay in ay lacag meel dhigtaan inta ayna guryo iibsan. Isaga oo sheegay in ay taasi  saamaynayso dhallinyarada, inkasta oo ay haddana tahay ujeeddo fiican. Barafasoorku waxa uu soo dhaweeyay go'aanka waaxda baadhitaanka xisaabaadka, oo uu sheegay in ay tani xakamaynayso kor u kaca badan ee qiimaha guryaha.

Xigasho: Ekot

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".