Hon ser bestämd ut.
Anna Kinberg oo taageero weyn ka heshay. Foto: TT.

Anna Kinberg oo taageero weyn ka heshay

Guddida xisbiga Moderaterna ee magaalada iyo degmada  Stockholm ayaa go'aansaday in ay Anna Kinberg Batra u caleemosaaraan hoggaamiyaha cusub ee xisbigu yeelan doono. Tani waxa ay muujinaysaa sida ay Anna Kinberg ugu soo dhawaanayso in ay beddesho hoggaamiyihii hore ee xisbiga Fredrik Reinfeldts.

Ilaa hadda waxa Anna Kinberg u codeeyay 14 guddi hoosaad oo ka tirsan 26 guddi hoosaad ee xisbiga Moderaterna uu ku leeyahay guud ahaan waddanka. Sidoo kale garabka dhallinyarada ee xisbiga ayaa taageero weyn siiyay Anna Kinberg. Ugu danbayn maalinta jimcaha ayaa la soo gebogabayn doonaa u diyaargarowga doorashada hoggaamiyaha, halka 7 bisha maarso si rasmi ah uu hoggaamiyaha cusub ee xisbigu yeeshaa xilka kala wareegi doono hoggaamiyaha xilka ka sii degaya ee Fredrik Reinfeldts.

Xigasho: P4 Stockholm

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".