Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallinyarada oo welwel badan ka qabta mustaqbalkooda

Dhallinyarada oo welwel badan ka qabta mustaqbalka.
4:00 min
Fyra ungdomar går nedför en trappa. Foto: Janerik Henriksson/TT.
Dhallinyarada oo welwel badan ka qabta mustaqbalka. Foto: Janerik Henriksson/TT.

Daraasad ay soo saartay haayadda caafimaadka bulshada ayaa muujinaysa in welwelka dhallinyarada ka haysta mustaqbalku yahay mid ka badan ka dadka waa weyni ka qabaan mustaqbalka. Daraasaddan ayaa sheegaysa in soddonkii sanno ee u danbeeyay uu sii badanayay culayska dhanka nolosha ka haysta  gabdhaha da’doodu tahay 15 jirka ah.

Badhtamihii siddeetamaadkii ku dhawaad 15% gabdhaha 15 jirka ah ayaa sheegay in ay welwel badan ka qabaan nolosha halka sannadkii hore ay 40% ka dayriyeen nolosha.

Dhanka kale wiilasha qawadsan mustaqbalkooda ayaa awal ahaa 5%, halka ay imika tiradaasi marayso 15%. Dhallinyarada inta badan mustaqbalkooda rajo la’aanta ka xuujinaysana da’doodu badi waxa ay u dhaxaysaa 16 jir ilaa 24 jir.

Dhallinyaradan ayaa ka cabanaya shaqo la’aan iyo in ay waxbarashadu ka adag tahay sidii ay awal ahaan jirtay, taasina ay keentay in ay ku  adkaato in ay shaqo helaan iyo in ay waxbarashadooda sii wataan ilaa heer jaamacadeed.

Sida ay sheegtay xarunta daraasaadka Sweden, dadka ugu welwelka yari  waa waayeelka da’doodu tahay 65 ilaa 74 jir. Kuwaasi oo xaaladdoodu aad isku beddeshay marka loo eego soddan sanno ka hor.  Waxaana taas sabab u ah sharciyada ku saabsan daryeelka  waayeelka oo aad loo wanaajiyay sannaddadii ugu danbeeyay

Sven Bremberg oo ka tirsan maxadka Karolinska Institute ayaa aaminsan in dadka waaweyn uun uu sharcigu si fiican u saacidayo halka ay da’ yartu kala kulmaan culays badan. Bremberg waxa uu sheegay in badhtamihii siddeetamaadkii ay shaqo la’aantu ahayd 2% ilaa 3%, taasina ay sahlaysay in ay dhalinyaradu shaqo hesho kadib marka y dugsiga dhexe dhammeeyaan.

SR

Musa Isse

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".