Migrationsverket Foto Tahir Yousef Sveriges Radio P4 Östergötland
Migrationsverket Foto Tahir Yousef Sveriges Radio P4 Östergötland

Baaritaanada luuqadaha ee laanta socdaalka oo qalad ka buuxaan

Mansuur: Macquul ma ahan sheegashadiisa
7:36 min

Markey ay laanta socdaalka ka shakiso ruuxa magangeliyo doonka ah halka uu sheeganayo in uu ka yimid, waxay ku sameysaa baaritaan dhanka luuqadiisa iyo lahjadiisa ah. Laakiin barnaamijka Uppdrag Granskninga oo caawa ka baxi doona telefishinka SVT ayaa ka shafey gaabsi badan oo ka jira baaritaanada luuqadda ee laanta socdaalka.

Baaritaanada dhanka luuqadda ee laga qaado dadyowga magengeliyo doonka ayaa ah ku tayadoodu ay aad u liitaan, badanaana waa kuwo qaladaad waaweyn ka buuxo. Sidaas waxaa muujinaya u kuurgal uu sameeyey barnaamijka Uppdrag Granskning ee ka baxa SVT.  Luuqad baarayaasha shirkadda Sprakab (oo iyadu ah shirkadda Migrationsverket ka iibisa baaritaanada luuqadda ruuxa magangeliyo doonka ah), ayaa ah kuwo magacyadooda qarsoodi yahiin, ayna adag tahay in la koontoroolo aqoontooda iyo awoodooda xirfadeed. Middas waxaa aad u dhaleeceysan Byron Törnström oo ah mid ka mid ah qareenada dadyowga magangeliyo doonka ah.

- Warbaxinada baaritaanada luuqadaha haddii loo isticmaalayo dib ugu celinta ruuxa meel ay suurtogla tahay in la dilo, la kufsado, la naafeeyo iwm, markas anniga qareen ahaan waxaa ii muhiim ah in aan kontorooli karo aqoonta iyo awooda xirfaded ee ruuxa baaritaanka luuqadeed sameeyey, waayo waxaa ku jirta danta ruuxa aan matalo, ayuu yeri qareen Byron Törnström.

Shirkadda Sprakab

Shirkadda Sprakab waa shirkad Sweden laga leeyahay oo caalamka laga aqoonsan yahay. Shirkadan waxay hey’adda socdaalka ee caalamka oo dhan ka iibisaa baaritaanada luuqadaha. Baaritaanada shirkadda ayaa badanaa ku dhisan tahay wareyseyo 20 daqiiqo ah oo ay dhanka telefoonka uga qaadan ruuxa maganegliyo doonka ah, iyaga oo weydiinaya ruuxa su’aalo la xiriira meesha uu sheegtey ruuxa in uu ka yimid xaruumaha ku yaal iyo degaanada ka agdhow. Baaritaanada luuqadeed ayaa gundhig u noqdo go’aanka laanta socdaalka ee ay ruuxa ku siiso ama ugu diido sharciga deganaashaha dalka. Laakiin shirkadan Sprakab ayaa waxaa dhaleeceyn u jeediyey barofeseero dhiga cilimiga luuqadaha, kuwaas oo ku eedeyey shirkadan iyo shaaqaalaheeda in aysan aqoon u laheyn cilmiga luuqadaha, laheyna awoodooda xirfadeed . Sidoo kale barofeseeradan uu barnaaamijka UG wareystey ayaa sheegay in aysan suurogal aheyn in wareysi telefoon oo 20 daqiiqo ah lagu qiimeeyo lahjadda iyo luuqada uu ruuxa magangeliyo doonka ah ku hadlayo. Ferhad Shakely waa lingviste ku xeeldheer luuqadda kurdiga:

- 20 daqiiqo oo wareysi telefoon ah kuma filna, waxay u baahan tahay ugu yaraan 10 kulan iyo wareyso, si go’aanka sax ah loo gaaro, ayuu yeri Ferhad shakely.

 Luuqadda Soomaaliga

Shirkadan Sprakab khibiirkeeda koobaad ee luuqada soomaaliga , labarkiisa sirta ahna yahay ea20, kaas oo in ka badan 5 000 oo baaritaano luuqadeed u sameeyey laanta socdaalka ayaa markii uu barnaamijka Uppdrag Granskning dabogal ku sameeyey, waxaa soo baxdey in uu ka been sheegay waxbarashadiisa. Sidoo kale waxaa soo baxdey in ninkaan diidmo laga siiyey mar uu dalbadey qaadashada muwaadinimada Sweden, maadaama ay horey ugu dhacdey xukun ah in uu galay denbiyo ay ka mid yahiin muqaadaraad, hanjabaad sharci daro, islamarkaan deymo uusan baxin ka diiwangashan-yahiin hey’adda qaan aruurinta ee Kronofogden.

 Ninkan  waxuu sidoo kale sheegtey in uu ku xeer dheer yahay lahjadaha soomaaliga ee kalo ah reer-xamar, barawe iyo lahjadaha af-soomaaliga ee looga kalo hadlo, Kenya, Etoobiya iyo Jabuuti. Laakiin barofesoor Abdalla Omar Mansuur oo ah khabiir caalamka laga aqoonsan yahay oo ku xeerldheer  af-soomaaliga ayaa sheegay in aysan macquul aheyn sheegashada ninkan ee ah in uu yaqaano lahjadaha uu sheegtay:

- Ma u maleynayo in uu wado yaqaan sideedda lahjadood ee af-soomaaliga ee uu sheegtay. Taas waxaa sameyn karo keliya ruuxa maxkaxdiisa xad dhaaftahay, ayuu yeri Barafesor Abdalla Omar Mansuur oo wax ka dhiga jaamacad ku taala Rooma dalka talyaaniga.

Migrationsverket

Madaxa sharciyada ee laanta socdaalka Fredrik Beijer ayaa sheegay haddii baaritaanka luuqadda uu yahay mid qalad ah, in ruuxa la siiyey go’aan masaafurin aysan suurogal aheyn in loo masaafuriyo waddan iyo meel uusan ka imaan:

- Guud ahaan waxey tan muujineysaa sida ay u dhib badan tahay arrintan. Dabcan haddii baare luuqadeed uu si ku talogal ah u siiyey macluumaad qalad ah annaga iyo shirkada Sprakab, uusanna laheyn awoodda xirfadeed ee uu sheegtay, taas waxay qatar ku tahay amniga garsoorka. Waxaanse annaga ka duulnaa in ruuxa sameynaya baaritaanka luuqadeed in uu leeyahay awooda xirfadeed ee aan heshiiska kula galnay shirkadda.

Balse in ninka Ea20 oo ah khabiirka koobaad ee luuqadda afka-soomaaliga ee shirkadan Sprakab, islamarkaana sameeyey baaritaano luuqadeed oo kor u dhaafaya 5 000, hadana ka been sheegay aqontiisa iyo awoodiisa xirfaded, ayuu madaxa sharciyada ee Migrationsverket sheegay in ay ku cusub tahay ayna hadda ogaadeen.  Waxuuna intaa raaciyey in ay u kuurgeli doonaan oo ay baari doonaan eedeymahan, haddiise ay run yahiin ayuu sheegay in ay tahay gabaabsi xad dhaaf ah.

Barnaamijka Uppdrag Granskninga waxaa laga sii deyn doonaan telefishinka SVT1 saacadda market tahay 20:00 habeynimo.

                                               

                          Warsame Elmi

                   Warsame.elmi@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".