Foto: TT Kollage: SR
Dhallinyarada waddanka ku cusub oo aan ku biirin kooxaha ciyaarahaFoto: TT Kollage: SR

Dhallinyarada waddanka ku cusub oo aan ku biirin kooxaha ciyaaraha

Dhallinyarada waddanka ku cusub ayay ku adag tahay in ay ku biiraan kooxaha kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga. Urur dadka caawiya oo magaciisa la yidhaa Individuell människohjälp, ayaa bilaabay mashruuc dhallinyarada waddanka ku cusub lagaga caawinayo sidii ay u heli lahaayeen fursado ay kaga

qaybqaataan qaybaha kala duwan ee ciyaaraha. Anders Stjernlöf oo ah masuul ka tirsan ururka Individuell människohjälp ayaa sheegay in  ay inta badan caqabado kala kulmaan kala duwanaashaha da’da dhallinyarada. Waxa uu sheegay in ciyaaraha inta badan loogu talo galay carruurta da’dodu aadka u yar tahay, ay ku adag tahay in ay soo galaan  dhallinyar da’doodu tahay  15 ilaa 17 jir. Anders Stjernlöf ayaa sheegay in qaybaha ciyaaruhu u kala baxaan ciyaaraha carruurta, kuwa dadka waaweyn iyo kuwa ay ciyaaraan kooxaha horyaalka ahi. Anders ayaa sheegay in dhallinyarro badan oo waddanka ku cusubi aanay haysay wax ay qabtaan wakhtiyada fasaxa, taasna ay keentay iyaga oo aan wax xidhiidh ah lahayn cid ka baxsan qoyskooda. Sidaasi daraadeed waxa uu soo jeediyay in ay  mihiim tahay in maamullada degmadu gacan ka gaystaan sidii loo dhallinyarada loogu heli lahaa goobo ay ku ciyaaraan.

Xigasho: TT

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".