Här är ett av SJ:s tåg som heter X2000. Foto: Wikipedia
Wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha oo ka hadashay shaqada tareenada. Foto: Wikipedia

Wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha oo ka hadashay shaqada tareenada

Wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha Anna Johansson ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto in sannadkan ay dhici doonaan cilado dhanka gaadiidka tareenada ahi. Wasiiradda ayaa sidaa tidhi mar ay kulan la qaadatay shirkada maamulla tareenada iyo waddooyinka ay maraan.

Waxaanay sheegtay in wax badan laga qabtay tayada dhanka maamulka iyo qorshaynta isu socodka tareenada laakiinse ay wakhti qaadan doonto in kor u qaadista tayada shaqada tareenada iyo iskuxidhka jidadka tareenadu. Kadib kulan ay wasiiraddu la qaadatay haayadda gaadiidka Sweden, shirkadaha  tareenada ka shaqeeya iyo shirkadda gacanta ku haysa xarumaha tareenada  ee loo yaqaano Jernhusen, waxa ay wasiirku sheegtay in meel fiican marayso horumarinta shaqada tareenadu, ayna tan iyo sannadkii 2010 mar ba marka ka sii danbeeya sii wanaagsanaanaysay. Waxaanay intaa ku dartay in dawladdu horumarinta tareenada u qorshaysay lacag dhan shan bilyan oo karoon.

Xigasho: SvD

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".