Boende på Flikens asylboende. Foto: Audrey Erath/Sveriges Radio
Soogalootiga cusubi way ka aqoon badan yihiin kuwii hore. Foto: Audrey Erath/Sveriges Radio

Soogalootiga cusubi way ka aqoon badan yihiin kuwii hore

Sida ay sheegayso daraasad cusub oo ay soo saartay xarunta dhexe ee tirakoobyada Sweden, dadka soogalootiga ah ee Sweden yimid wixii ka danbeeyay 2000 waa ay ka aqoon sarreeyaan kuwii ka soo horreeyay.

Warbixintan ayaa sheegaysa in ay sababtu tahay in dadka waayadan danbe imanayay Sweden ay yihiin qaar da'doodu u dhexayso 25 ilaa 34 jir. Daraasaddan cusubi waxa ay sheegaysaa in ay isku dhigmaan  guud ahaan dadka aqoontoodu gaadhsiisan tahay saddex sanno oo tacliin sare  ah ee waddanka gudihiisa ku dhashay iyo kuwa dalka dibaddiisa ku dhashay.

Xigasho: SCB, TT

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".