Foto: Arvida Strandman Peterson
Gabadh handadaad loogu geystay intarnatka oo magdhaw heshay. Foto: Arvida Strandman Peterson

Gabadh handadaad loogu geystay intarnatka oo magdhaw heshay

Laba sanno ka hor ayaa Julia handadaad loogu geystay barta intarnatka, kadib markii iyada oo rabta in ay iibsato funaanad uu ku sawiran yahay heesaagii Tupac way su'aal waydiisay barta intarnatka ee dukaanka H&M.

Hadda waxa Julia waxa ay heshay magdhaw iyo raaligelin, iyada oo aan wax caawimo ah ka helin booliiska. Kadib markii booliistu hoos iska dhigeen kiiskii Julia maaddaama oo ay wax caddayn ah u waayeen, waxa ay Julia la xidhiidhay koox arday sharciyaqaano ah, waxaanay ka caawiyeen in ay kiiskeeda u gudbiyaan maxkamadda.

Xigasho: P3

Musa Isse

musa.hassan@sr.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".