Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Bluffaktura Foto Claudio Bresciani/TT
Bluffaktura Foto Claudio Bresciani/TT

Shirkado ka diiwaangashan xafiiska deyn ururinta oo la dhaleeceeyay

Shirkado badan oo ka tirsan xafiiska qaabilsan ururinta daynta ayaa loo soo jeediyay eedo la xidhiidha in ay codsiyo la xidhiidha qaan deyn u direen dhalinyaro da’doodu ka hoosayso 18-jir middaas oo sharciga aan waafaqsanayn.

Sidaa waxaa xaqiijinaysa hey’adda dawlada u qaabilsan in ay dhowrista sharciyada iyo macluumaadka gaar ahaaneed ee loo yaqaan Datainspektionen. Hey’adda oo dabagal ku samaysay toban shirkadood, tobankaas oo siddeed ka mid ahi ay jabiyeen sharciga.

Arrinka ayaa waxaa sababay in aanay shirkaduhu ogeyn in ay sharci daro tahay in dhalinyarada da’doodu ka hoosayso 18-jir in loo diro codsi daymeed. Sidoo kale shirkadahan ayaa ka dhaadan aqoonta sharciga sidaa ay sheegtay hey’addan dawlada u qaabilsan dhowrista sharciyada iyo macluumaadka gaar ah. 

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".